Home / Arrimaha Bulshada / Masar oo qorsheynaysa afur wadareedkii ugu weynaa caalamka

Masar oo qorsheynaysa afur wadareedkii ugu weynaa caalamka

Himilo FM – Masar ayaa qorsheynaysa inay qabato afur wadareedkii ugu weynaa caalamka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan xilli la filayo in afurka uu galo liiska hay’adda diiwaan gelisa rikoorada caalamiga ah ee Guiness World Records.

Sida laga soo xigtay bogga Misroul Youm, shirkadda ka shaqeynaysa mashruuca caasimadda maamul ee Masar yeelanayso ayaa diyaarinaysa afurkii ugu weynaa bil Ramadaan gudaheed dunida oo dhan.

Waxa ka qeybgalaya dhammaan howlwadeenada mashruuca caasimadda cusub ee Masar loo sameynayo iyo matalayaal ka socda Guiness World Records iyadoo dhacdada la qabanayo 15-ka danbe ee Ramadaan.

Khaalid Xuseynii oo u hadlay shirkadda ayaa tilmaamay in dhacdada afur wadareedka tahay mid kulminaysa  dhammaan dhinacyada Masar xilli laga shaqeynayo mashruuc weyn oo caasimad cusub loogu sameynayo dalka.

Qorshaha caasimadda cusub ayaa dhigaya in la dhiso magaalo 45 km ka fog caasimadda Qaahira iyadoo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay bishii Maarso sannadkii 2015.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan