Himilo-Waxaa si rasmi ah loo daahfuray Muqdishada Cusub, oo ah mashruuc cusub oo weyn oo laga hirgalinayo Waqooyiga Caasimadda Muqdisho. Degaanka cusub waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo mid casri ah, oo la jaan qaadaya horumarka iyo baahida bulshada ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dhisi doonaa qaab aan horay looga arag dalka.
Xafladda daahfurka oo si weyn loo agaasime ayaa ka dhacday magaalada, waxaana ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare ayaa iyaguna ka qeyb galay munaasabadda lagula daahfuraayo mashruuca.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 300 oo ganacsato Soomaaliyeed ah, kuwaas oo goobta ku sugnaa.
Muqdishada Cusub ayaa waxaa lagu casriyeeyn doonaa dhammaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah horumarka iyo amniga, sida deked cusub, garoon diyaaradeed, goobo waxbarasho, iyo dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ka caawinaya dadka iyo ganacsatada ku nool deegaankaas.
Degaanka cusub wuxuu sidoo kale ka koobnaan doonaa xarumaha caafimaadka iyo xarumaha shaqada, si loo hubiyo in bulshada ku nool ay helaan adeegyo tayo sare leh.