Massimo Moratti: Inter kama quusan doonto saxiixa Messi

Himilo – Madaxweynihii hore ee Inter Milan Massimo Moratti ayaa soo jeediyay in kooxda reer Talyaani aysan ka quusan doonin saxiixa xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Qandaraaska cayaaryahanka reer Argentine ayaa galaya sannadkiisii ugu danbeeyay iyada oo la tilmaamayo in uu ka tagayo garoonka Camp Nou.

Messi ayaa la rumeysan yahay in ay markan dhab ka tahay ka tegista kooxda reer Catalan kaddib guuldarradii niyad jabka laheyd ee ka soo gaartay Bayern Munich.

Kooxo badan sida Inter Milan, Manchester City iyo PSG ayaa lala xiriiriyay 33 jirka toddobaadyadii ugu danbeeyay.

Tababaraha PSG Tuchel oo ka warcelinayay su’aal la weydiiyay ayaa xusay in uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo laacibka Koonfurta Ameerika.

Si kasta, madaxa PSG ayaa tilmaamay in weeraryahanka uu ka dhammeysan doono xirfaddiisa Camp Nou.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan