Home / Cayaaro / Massimo Moratti: Inter kama quusan doonto saxiixa Messi

Massimo Moratti: Inter kama quusan doonto saxiixa Messi

Himilo – Madaxweynihii hore ee Inter Milan Massimo Moratti ayaa soo jeediyay in kooxda reer Talyaani aysan ka quusan doonin saxiixa xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Qandaraaska cayaaryahanka reer Argentine ayaa galaya sannadkiisii ugu danbeeyay iyada oo la tilmaamayo in uu ka tagayo garoonka Camp Nou.

Messi ayaa la rumeysan yahay in ay markan dhab ka tahay ka tegista kooxda reer Catalan kaddib guuldarradii niyad jabka laheyd ee ka soo gaartay Bayern Munich.

Kooxo badan sida Inter Milan, Manchester City iyo PSG ayaa lala xiriiriyay 33 jirka toddobaadyadii ugu danbeeyay.

Tababaraha PSG Tuchel oo ka warcelinayay su’aal la weydiiyay ayaa xusay in uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo laacibka Koonfurta Ameerika.

Si kasta, madaxa PSG ayaa tilmaamay in weeraryahanka uu ka dhammeysan doono xirfaddiisa Camp Nou.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan