Home / Cayaaro / Massimo Moratti oo ka hadlay mustaqbalka Martinez ee Inter Milan

Massimo Moratti oo ka hadlay mustaqbalka Martinez ee Inter Milan

Himilo – Madaxweynihii hore ee Inter Milan Massimo Moratti ayaa ku adkeystay in kooxda aysan awood u laheyn inay celiso Lautaro Martinez haddii uu ka tagayo oo uu ku biirayo Barcelona xagaaga.

Barcelona ayaa dooneysa inay xoojiso safkeeda hore iyada oo ku soo biirineysa Martinez oo dhaliyay 16 gool 28 kulan oo Serie A iyo Champions League xagaagan.

Cayaaryahanka reer Argentine ayaa la rumeysan yahay in uu bartilmaameed u yahay Real Madrid. Si kasta, Moratti ayaa si wanaagsan u yaqaanna kooxda isaga oo aaminsan in Martinez uu ka tagi doono Nerazzurri xilli danbe oo ah sannadkan.

“Ma celin kartid qof aragtidiisa tahay meel kale,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Inter Milan Massimo Moratti.

Inter ayaa la tilmaamay inay u dhaqaaqi karto cayaaryahanka kooxda Arsenal Alexandre Lacazette si uu beddal ugu noqdo Martinez.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan