Himilo – Dhaqaatiirta qaliinka ayaa ku dhawaaqay isniintii inay kala qaadeen madaxyada mataano gabdho ah oo isku dhegganaa kaddib qaliin qaatay in ka badan 50 saacadood oo ay ku lug yeesheen 100 shaqaale caafimaad.
Safa iyo Marwa Ullah oo laba jir ah ayaa maray qaliinkii seddexaad laga soo bilaabo October 2018 illaa Febraayo ee sannadkan kaasi oo ugu danbeyn lagu fuliyey isbitaalka Great Ormond Street Hospital oo ku yaalla gudaha London, sida ay werisay The Guardian.
Labada gabar oo kasoo jeeda magaalada Charsadda ee dalka Pakistan ayaa ku dhashay madaxyadooda oo isku dheggan iyaga oo si wadajir ah u wadaagi jiray dhuumaha dhiigga qaada.
“Aad baan ugu faraxsanahay waxa ku saabsan mustaqbalka,” ayay tiri Zainab Bibi oo ah hooyada dhashay mataanaha iyada oo u warantay warbaahinta.
Aabbaha dhalay mataanaha ayaa u geeriyooday wadno xanuun kahor inta ayna dhalan labadaan gabar.
“Afar qaliin iyo 55 saacadood, wax waliba hadda waa haggaag, kaddib 9 bil oo xaalad caafimaad, mataanaha iyo qoyskooda ayaa isbitaalka ka dhaqaaqay,” ayaa lagu yiri qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigeen maamulka isbitaalka.
buy cialis and viagra online Women were excluded if they could not read English, had a previous diagnosis of breast cancer, or the research nurse or healthcare professional felt they did not have the mental capacity to consent