Home / Cayaaro / Matteo Darmian “kama qoomameynayo u dhaqaaqista Manchester United.”

Matteo Darmian “kama qoomameynayo u dhaqaaqista Manchester United.”

Matteo Darmian ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka qoomameyneyn u dhaqaaqista Manchester United inkastoo uusan kasoo muuqan xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Old Trafford.

29 jirkan ayaa Red Devils kala soo saxiixatay Torino sanadkii 2015 waxa uuna u saftay 92 kulan.

Isagoo ciyaaray kaliya lix jeer Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaa wax laga weydiiyay isagoo Parma jooga naadigiisii hore , waxa uu daaha ka qaaday ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga in uu ka qoomameeyay u dhaqaaqistiisa Old Trafford, taasi oo uu kaga jawaabay “Saxiixa Manchester United wuxuu ahaa mid sahlan.”

“ qibrad aan dib u sameyn doono mar kale, garoonka dhexdiisa iyo dibaddiisa. Xaqiiqdii waxaan doonayay inaan ciyaaro isla markaana ku laabashada Talyaaniga ay igu riixday inaan ka tago Manchester.”

Kulankiisii ugu dambeeyay Darmian ee Manchester United wuxuu yimid bishii April, markii si lama filaan ah loogu soo bilaabay guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Manchester City.

Daafaca dambeedka middig ee kooxda Parma ayaa ku riyaaqay billow wanaagsan oo Serie A ah, isagoo badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee furitaanka. Darmian ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay Axada soo socota marka ay ku martigelinayaan Cagliari garoonka Stadio Ennio Tardini.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan