Himilo FM – Matteo Darmian ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagayo Manchester United bisha Janaayo.
Darmian ayaa si aad ah loola xiriirinayay in uu ka tagayo United xaggaagan laakiin ugu danbeyntii waxa uu ku sugnaa garoonka Old Trafford isagoo qeyb ka ahaa xiddigaha ugu muhiimsan safka Jose Mourinho.
Kaddib markii kooxda uu ka tegay tababare Jose Mourinho,waxaa laga yaabaa in laacibkaan uu isbedel ballaaran ku yimaado booska uu hadda kaga ciyaaro kooxda , sidaasi waxaa qortay The Express.
Warbixinta ayaa sheegeysa kooxo badan oo ka dhisan dalka Talyaaniga inay si dhow ula socdaan xaaladda laacibkaan inkastoo Juventus ay ku dhowdahay xiisaha ay u qabto 29 jirkan.
Darmian oo United kaga soo biiray Torino sannadkii 2015 ayaa afar kulan oo Premier League ah u saftay xilli ciyaareedkan.