Himilo –Siyaasiyiinta ayaa inta badan sameeya ballan qaadyo inta lagu guda jiro ol’olaha doorashada ay ka qeyb galayaan. Dadka codadka dhiibta uma suura gasho inay marka danbe la xisaabtamaan balse dalka Maksiko ma ah sidaasi.
Dadka deggan magaalo yar oo ku taalla Maksiko ayaa go’aansaday inay la xisaabtamaan duqa magaaladooda islamarkaana u dhigaan cashar kaddib markii uu ku guuldareystay in uu ka soo dhalaalo ballantii uu sameeyay.
Javier Sebastián Jiménez ayaa ku guuleystay in uu noqdo duqa magaalada Huixtán ee dalka Maksiko, waxa uu xilligaasi ballan qaaday in uu hagaajinayo hannaanka biyaha magaalada laakiin waa uu ka soo bixi waayay taasi.
Bishii la soo dhaafay, dadka deegaanka magaalada ayaa isugu soo baxay xafiiskiisa, waxayna ku qasbeen in uu xerto dhar dumar iyadoo lagu soo wareejinayay wadooyinka muddo seddex maalin ah.
Waxaa intaa dheer in Mr Javier lagu qasbay in uu istaajiyo gawaarida islamarkaana uu weydiisto lacago tabrucaad ah oo uu ku fuliyo mashaariicdii uu ballan qaaday.
Wareysi uu mar danbe bixiyay duqa magaalada ayaa waxa uu ku sheegay in uu jeclaa in uu ka soo dhalaalo ballantii uu qaaday balse ay jirtay dhaqaale xummo.