Himilo- Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa ka hadlay waxa ay farxada nolosha uga dhigan tahay xilli uu ka qeyb galayay madasha YES oo cinwaanka sannadkan loo qaatay “Farxada maanta; isu soo dhaweyn cusub oo caalamka ah iyadoo lagu jiro dhibaatooyin”
Mar la weydiiyay waxay la tahay farxada, Mr Volodymyr oo horay u ahaa majaajiliste caan ah ayaa xusay in farxada nolosha uu u arko qoys farraxsan oo wadajira.
“Xaaskeyga, marka ay dhoolla-caddeynayso, waan farraxsanahay, maxay tahay sababta? Farxada waa qoys farraxsan.” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine.
Waxa uu intaa raaciyay “Miyaan ku farraxsanahay in aan noqdo madaxweyne? Ma hubo.”
Sida uu u arko Volodymyr, qoysaska qaar ee Ukraine ayaa dareemeyn farxad waayo xubno kamid ah ayaa ka qeyb galaya loolanka milatariga ee bariga dalka ka socda halka inkale oo badan ay dalka ka baxeen si ay dibadaha uga soo shaqeystaan.