Home / Arrimaha Bulshada / Maxaa furriinka ku badiyay magaalada Qom ee dalka Iiraan?

Maxaa furriinka ku badiyay magaalada Qom ee dalka Iiraan?

Himilo- Magaalada Qom ee dalka Iiraan ayaa laga soo wariyay furriinkii ugu sarreeyay sannadkii 2016-ka hase ahaatee waxay hadda wajaheysaa musiibo kale oo heysata haweenka magaalada.

Qom oo dhacda koonfurta Tehran ayaa laga soo calaameeyay heerkii ugu sareeyay ee isticmaalka daroogada oo ay ku badan yihiin haweenka da’dooda u dhaxayso 20 illaa 39 sida uu qoray bogga Qom.

Sahra Jaafarian oo ah ku-xigeenka urur haween ayaa shaacisay in ku dhawaad 62% haweenka adeegsada daroogada inay ahaayeen xaasas iyadoo carrabka ku adkeysay kororka heerka furriinka magaalada.

Magaalada Qom ayaa la tacaaleysa musiibooyin badan sida kororka haweenka isticmaala maandooriyaha, furriinka badan iyo gabdhaha oo ka saaqida waxbarashada.

Ms Sahra ayaa tilmaamtay in haweenka haya jaggooyin sarre inay yihiin faro-ku-tiris iyada oo intaa raacisay in la sameeyay isbadal yar oo aan badneyn.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan