Himilo- Xiao Lu, oo ah 21 jir ku nool Guangzhou, ayaa bilowgii bishan waxay u aaday isbitaalka si ay dhaqaatiirta ugu sheegto inay liqday tubada jilicsan ee cabitaannada lagu dhuuqo.
Tubada ayaa u dhaadhacday gudaha hoose ee caloosha, sidaas darteed dhaqaatiirta ayaa amray in laga qaado raajo si loo arko. Dhererka tubada ayaa dhan 30cm, halka balaceedu gaarayo 1.9cm.
Markii laga soo saaray kaddib, dhaqaatiirta ayaa su’aalo ula dhaqaaqay haweeneydan. In kasta oo markii hore ay ka meermeertay xaqiiqada, ugu danbeyntii waxay qiratay in tubada ay u liqday si ay isaga dhinto culaabta ‘miisaanka’ jirkeeda. Si wax kasta oo jirkeeda aysan ugu nasan, haweeneydan ayaa tilmaantay inay tubada u diri jirtay caloosha si ay isaga soo hunqaacdo.
Tallaabadan ayaa ula muuqday mid sidii ay rabtay ugu shaqeynaysa, ilaa laga yimaado toddobaadkii hore oo tubadu aysan sidii hore uga soo bixin hunguriga.
Zhang Hanyu, oo ah xigeenka madaxa isbitaalka Beijing’s Friendship Hospital, ayaa sheegay in – adeegsiga tubada – si la isaga matajiyo waxa caloosha ku jira aysan aheyn arrin ugub ku ah bulshada Shiinaha. Si lamid ah Lu, qaar badan ayaa u adeegsada falkan si ay isaga dhimaan culeyska jirka.