Home / Habka-Nolosha / Maxaa Imam iyo Baadari is necbaa hadda ka dhigay saaxiibbo rumaad?!

Maxaa Imam iyo Baadari is necbaa hadda ka dhigay saaxiibbo rumaad?!

Himilo –25 sanno kahor, Imam Mohammed Ashafa iyo baadari James Wuye ma aysan filan jirin inay mar un noqon doonaan saaxiibo dadka intiisa kale iskaga dhow.

Wuye wuxuu ahaa mid aan u neceb Musliminta, siiba markii dagaal dhex maray maleeshiyo diimeed ka kala tirsan Masiixiyiinta iyo Muslimiinta uu ku waayay gacantiisa.

Geesta kale, Ashafa oo si lamid ah dhibane u noqday falal xagjirnimo oo ay u geysteen Masiixiyiin mayal-adag wuxuu hadiyo jeer il tuhun isaga eegi jiray wax walba oo ka yimaada Galbeedka iyo diintooda.

Wax walba waxay is beddeleen sannadkii 1995 markii kulan fool-ka-fool ah ay yeesheen. Ashafa waxaa ku adkeyd sida uu u gacan-qaadi karo cadawgiisa.

Balse kaddib dhageysiga dacwad la xiriirta muhiimadda uursamida ‘cafiska’ wuxuu go’aansaday inuu wada hadal la furo.

Deedna waxaa u bilowday socdaal ay kaga soo gudbeen naceybka iyo kala qoqobnaanta una soo guureen jaceylka iyo walaalnimada.

“Waan ku kala duwannahay caqiidada, balse waxaa na mideeya insaaniyadda,” ayuu yiri Wuye.

Labaduba waxay hadda si wadajir uga qeyb noqdaan sida wada noolaanshaha iyo isku xirka bulshada la iskugu ilaaliyo qaab ku dhisan cafis iyo jaceyl.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan