Himilo- Marka la fiiriyo sababeynta cilmiga ah, roobka ayaa ah biyaha ceelasha, wabiyada ama haraha ee u uumi baxa hawada sare islamarkaana iyaga oo roob ah soo da’a. Haddaba maxaa dhacaya marka qofka uu cabbo biyaha roobka?
Wargeyska Alayam ayaa qoray warbixin ku saabsan saameynta cabbista biyaha roobka oo la aaminsan yahay inay xambaarsan yihiin maadooyin halis ah.
Biyaha roobka ayaan marnaba lala barbar dhigi karin kuwa caadiga ah marka la eego maadooyinka ku jira sida jeermiska yaryar.
Waxaa intaa raacsan in biyaha roobka aysan laheyn macdanta uu u baahan yahay jirka qofka si ka duwan biyaha caadiga ah.
Dhaqtar Maxamed Nabiil oo bare ka ah jaamacadda Qaahira ayaa xusay in biyaha roobka laga heli karo wasakh badan oo ka soo raaceysa hawada sare isaga oo tilmaamay in laga dhaxli karo cudurro khatar ah.
Xannuunada ka dhalan kara cabbista biyaha roobka waxaa kamid ah matag joogto ah, shuban badan, kuleylka jirka oo kordha iyo xannuun dhanka caloosha ah sida laga soo xigtay Dr Nabiil.
Waxaa kale oo xusid mudan in biyaha roobka saameyn xun ku reebayaan nidaamka neefsashada sida sanbabaha kamid ah xubnaha ugu muhiimsan jirka.