Himilo-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium, waxay ku martigelinaysaa Manchester City oo in ay ka badiso ay ugu dambaysay sannadkii 2016, waxaana Mikel Arteta uu soo saaray liiska xiddigaha uu kala hor tegayo City.
Mikel Arteta ayaa maalmihii ugu dambeeyey ay walwal ku hayeen tiro ciyaartooyo muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa London Colney oo aan tababarka qaadanin, waxaana ka mid ahaa Thomas Partey oo bishii August dhaawac uu soo gaadhay, laakiin la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey uu soo kabasho samaynayay.
Waxa kale oo Arsenal ay sugaysay xogta dhakhaatiirta ee dhaawaca Bukayo Saka oo muruqa wax ka noqday oo uu ka baxay ciyaartii Lens ee Champions League ee ay guul-darradu soo gaadhay, kaas oo horena uga maqnaa kulankii Brentford ee tartanka Carabao Cup.
Tababare Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in Bukayo Saka uu go’aan ka gaarayo saacadaha ugu dambeeya, waxaana uu kusoo daray liiska ciyaartoydiisa kulanka maanta ee Manchester City.
Waxa kale oo liiska ciyaartoyda kooxda dib ugu soo laabtay Thomas Partey oo ka farxinaya jamaahiirta kooxdaas, hase yeeshee waxa maqaneyaal ah Gabriel Martinelli iyo Jirrien Timber, halka Declan Rice uu isaguna kasoo kabtay jug soo gaadhay.