Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ka hor kulanka adag ee habeen dambe ay martida ugu noqonayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid.
Los Blancos oo hoggaanka u haysa horyaalka LaLiga ayaa u safri doonta Civitas Metropolitano iyaga oo doonaya inay sii xajistaan hoggaanka oo shantii kulan ee horyaalka ee ay dheeleen ay dhamaantood guuleysteen, halka tartamada oo dhanna ay lixdii ciyaarood guulo isku xigsiiyeen.
Kooxda martida loo yahay ee Atletico Madrid ayaa ku gacan-sarraysay kulamada garoonkeeda sannadihii tegay iyaga oo tobankii kulan ee ugu dambeeyey guulo ku gaadhay.