Home / Arrimaha Bulshada / Maxaa ka naqaanaa Virus-ka HMPV ee Chine ka dilaacay?

Maxaa ka naqaanaa Virus-ka HMPV ee Chine ka dilaacay?

Himilo-Dalka Shiinaha waxaa ka dilaacay xanuun cusub oo soo ritay dad badan, waxaana isbitaalada kuyaalla dalkaasi buux dhaafiyay dad badan oo ka cabanaya fayruska HMPV.

hadaba Maxaa ka naqaanaa Virus-ka HMPV?

Human metapneumovirus (HMPV) waa fayras ku dhaca hab-dhiska neefsashada, waxaana la helay markii ugu horreysay sannadkii 2001. Waxa uu ka tirsan yahay qoyska Paramyxoviridae, wuxuuna inta badan saameeyaa marinnada neefsashada.  HMPV wuxuu ku faafaa hawada marka qof xanuunsan uu qufaco, hindhiso, ama hadlo sidoo kale waxa uu faafaa marka qofka qabo uu salaamo qof kale. Calaamadaha lagu garto HMPV waxaa kamid ah, qandho, cune-xanuun iyo Neefsashada oo dhib ku noqota qafka. dadka nugul ee uu dhibaateyn karo, Caruurta, dadka da’da ah, dadka difaacoodu uu daciif yahay iyo dadka qaba xanuunka neefta.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan