Home / Habka-Nolosha / Maxaa ka taqaan eyga ugu caansan bogga Instagram-ka?

Maxaa ka taqaan eyga ugu caansan bogga Instagram-ka?

Himilo – Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawirrada eyga Winnie oo kamid noqday xayawaannada ugu caansan baraha bulshada sabab la xiriirta quruxdiisa soo-jiidashada leh.

Sida uu qoray wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska, Winnie ayaa soo jiitay dad badan oo kala socda barta loo maamulo ee Instagram-ka iyada oo sababta tahay in uu xiiseeyo sawirrada.

Waxaa la tilmaamayaa in Winnie uu la jaan-qaado sawirrada isaga oo sameynaya dhaqdhaqaaqyo cajiib leh oo ku reeba dareen dadka ku xeran boggiisa.

Ninka xannaaneeya eygan ayaa la soo warinayaa in uu sameeyay bogga Instagram-ka oo ay ku xermeen durba inka badan 2000 kun qofood.

Waxaa xusid mudan in Winnie uu dhashay bishii October ee sannadkii 2019-ka. Waxaa soo dalbaday dad badan oo doonaya inay iibsadaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan