Himilo- Waa kuma hogaamiyaha Qabsaday qalbiyada dadka African-ka cabsida xooggana ku beeray dalalka Europe ee Fransiinku ugu horeey? Maxaa kala socotaa isbadalka ka jira galbeedka Africa ee sababay in Xisbiyadii Europe hogaamiynaye badankooda xilka laga tuuro? ninka badalay Tomas Sanka, dhalinyaradii africankana qaatay qalbiyadooda. Waa Kabtan Ibrahim Traore, hogaamiyaha cadaan iyo madowba isha ay ku hayaan ee Fransiska iyo Mareykan-ka ku qasbtay dalkiisa inay uga guuraan 30 cisho oo kaliya.
Bishii September 30, 2022 , shaashada caalam-ka waa qabsaday af-gami lama filaan ah oo ka dhacay dalka xiran ee badda aan laheyn kuna yaala galbeedka Africa ee Burkiina, waxa uu ahaa kii labaad ee dalkaa ka dhaca mudo kayar sagaal bilood, dadbadan waxay aaminsanaayeen in uu yahay af-gamiyadii qaarada madow lagu yaqaane ee Cadaanku gadaal kariixayeen balse arinto sidaa waa ka duwantahay,
Waxaa hogaanka u haya af-gambiga wiilka ku garaadsaday dalkiisa oo laga qaadanayo qeyraadka iyadoo aan badal lasiineyn, ciil iyo wadaawo uu u qabo gumeysiga dadbana uu qalbigiisa buuxiye, waa kabadan Ibraaahim, da’diisu waa 34 sanno waa hogaamiyaha ugu da’da yar caalam-ka balse ximbaarsan aragtida gumeysi naceebka iyo qadiyada africaan nimada.
Shaqadiisii ugu horeyse waxa uu ka dhigay in uu aamusiyo warbaahintii Fransiiska ee dadka Burkina faso mala-awaalka u aqrinaye, waxa kale uu meesha ka saaray luqadii Fransiiska, waxa uu albaabada u laabay dhamaan shirkadihii Uraaniyomka dalkaa ka soo saaraye ee farasiinka laga lahaa, waxa uu maalmo u qabtay ciidankii Fransiiska ee dalkaa ku sugnaa,Talaabadaa waxay siweyn u soo jiidatay, shababkii cagta hoosteeda lagu haye, dhalinyaradii walka ayaana u kacay inay taageeraan hogaamiyahooda cusub ibraahim Troure.
Ibrahim Traore ayaa kala noqday shatiyada macdan qodista shirkadaha ajnabiga ah ee ka shaqeeya macdanta Burkina Faso. Hadalada cajiibka ah ee laga diiwaan galiye waxaa kamid ah ‘Muddo 63 sano ah ayaanu kaalmo Faransiis ah qaadanaynay, welina waddankeennu ma horumarin sidaa darteed hadda hadii ay naga guustaan waxba nooma dhimeyso, balse waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan shaqaynno oo aan is-beddelno nafteena.”