Home / Habka-Nolosha / Maxaa khatar ah oo ka dhalan kara marka cuntada la boobsiiyo?

Maxaa khatar ah oo ka dhalan kara marka cuntada la boobsiiyo?

Himilo – Baaritaanno caafimaad ayaa muujiyay khatarta laga dhaxli karo cuntada sida boobsiiska ama sida dhaqsida ah loo cunno iyadoo khubarada iyo dhaqaatiirta xaqiijiyeen sida ay muhiim u tahay in si hagaagsan loo qaato cuntada.

Sababaha qofka ku keeni kara inuu ku dhaco cudurka macaanka nuuciisa labaad waxaa kamid ah inuu boobsiiyo cuntada waayo waxay taasi keeni kartaa jahwareer ku yimaada nidaamka dhiigga iyadoo saameynaysa glucose-ka jirka sida laga soo xigtay bogga Medical Daily.

Daraasad ay sameeyeen dhaqaatiir ka shaqeysa jaamacadda Hiroshima University ee dalka Japaan ayaa lagu oggaaday in cuntada oo la boobsiiyo inay saameyn ku leedahay caafimaadka qofka, waxaana qofka leh caadadaasi uu yahay mid u nugul xanuunada ku dhaca wadnaha.

Khataraha kale waxaa kamid ah buurnaanta darran oo loo tiirin karo cuntada oo si deg deg ah lagu cunno.  Waxaa kale oo la xusay in qofku dareemayo xanuunka Soomaalida u taqaan “ Gaaska” marka uu boobsiis ku qaato cuntada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan