Himilo- Dalka Ruushka, haweenka ku guursada da’ dhexaadka ayaa sameeyay rikoor cusub tan iyo muddo lix sanno ah sida ay qortay warbaahinta dalkaasi.
Madaxa xafiiska horumarinta gobalka ee jaamacadda Plekhanov Russian University of Economics ayaa sheegtay in inta badan haweenka Ruushka ku guursadaan 24 illaa 34 sanno.
Sida laga soo xigtay Yelena Yegorova, haweenka Ruushka ayaa ku guursan jiray 18 illaa 24 sanno kahor 8 sanno.
Iyada oo sharraxaysa sababaha, Ms Yelena ayaa xustay in dumarka ay dib u dhigaan guurka si ay u helaan waxbarasho islamarkaana guul uga sameeyaan xirfadooda.
Waxaa kale oo kamid ah sababaha shaqo la’aanta ama xaaladaha bulsho ee aan salka laheyn oo qofka ku riixi kara in uu ka daaho xiriirka guurka.
Ragga qaar oo aan dooneyn inay si rasmi u diiwaan geliyaan xiriirkooda ayaa ka ku qasbeysa haween badan oo Russian ah inay ka dib dhacaan guurka.
Warbixinta ayaa lagu soo gunnaanaday in dumarka Ruushka doorbidayaan inay ku guursadaan da’da ka danbeysa 30-ka sanno.