Home / Macluumaad / Maxaa ku riixay ganacsade Hindi ah in uu iska dhigo duuliye diyaaradeed?

Maxaa ku riixay ganacsade Hindi ah in uu iska dhigo duuliye diyaaradeed?

Himilo- Ma ogtahay in duuliyaasha diyaaradaha ka gudbi karaan baraha la isku baaro ee gudaha garoonada diyaaaradeed?

Haddaba, ganacsade Hindi ah ayaa sameeyay arrin layaab leh markii uu iibsaday dharka u gaarka ah duuliyaasha si uu markasta si dhaqsi ah u raaco duulimaadka.

Rajan Mahbubani oo ah milkiilaha shirkad ka shaqeysa latalinta ayaa lagu xeray garoonka Indira Gandhi International Airport isaga oo iska soo dhigay duuliye katirsan diyaarada Lufthansa.

Waxa uu qorsheynayay in uu raaco duulimaad diyaarada Air Asia oo ku socday Kolkata markii maamulka diyaarada uu la xiriiray shirkadda Jarmalka Lufthansa si loo xaqiijiyo in duuliye katirsan uu ku safrayo Air Asia.

Wakhti yar ayay qaadatay in la hubiyo, waxaana la xaqiijiyay in uu iska dhigayay duuliye balse uu yahay ganacsade reer Hindi ah.

Sida muuqata, Mr Mahbubani oo 48 jir ah ayaa si joogta ah ugu safri jiray dharka u gaarka ah duuliyaasha si uu uga gudbo safafka baaritaanada dhaadheer ee la galo gudaha garoonada.

Waxaa kale oo la rumeysan yahay inay tani ka saaciday in la siiyo mudnaan gaar ah sida in si bilaash ah looga beddalo kursigiisa iyo in uu sawirro ku gali karo qolka u xeran duuliyaasha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan