Home / Macluumaad / Maxaa kula gudboon marka uu taleefanka kaaga dhaco biyo?

Maxaa kula gudboon marka uu taleefanka kaaga dhaco biyo?

Himilo – Wakhti dheer ayaa ka soo wareegay maalmihii aan taleefanka u adeegsan jirnay keliya wicitaanada. Taleefanada maanta ayaan u isticmaalnaa waxyaabo badan.

Haddii ay cillad ku timaado taleefanka caaqilka ah ee aad heysato, waxaa kuu bilaaban kara walwal badan, sababta ayaana ah inaan si weyn ugu xeranahay.

Ma dhacdee, bal ka waran haddii taleefankaaga caaqilka ah uu kaaga dhaco biyo. Ha welwelin, waxaa kuu furan inaad sameyso tallaabooyinkan si aysan cillad weyn u imaan.

1) Marka hore xir taleefanka (Lock): Tallaabo kasta waxaa ka horreysa in aad xerto taleefanka. Waa in aad joojisaa shaqada taleefanka. Haddii uu taleefanka furnaado isaga oo biyo ku dhacay, waxay dhaawici kartaa gudihiisa.

2) Ka saar batariga iyo Memory-ga taleefanka: Waa inaad qalajisaaa batariga marka aad taleefanka ka saarto. Memory-ga oo ay kugu keydsan yihiin xogta ugu badan ayaa sidoo kale loo baahan yahay inaad ka bixiso oo aad siiso diirrimaad.

3) Isku day inaad taleefanka ka saarto biyaha: Biyaha ugu badan waxay galayaan dulduleelada uu yeelan karo taleefanka.

4) Adeegso bariis badan: Bariiska la cunno ayaad u adeegsan kartaa in aad biyaha kaga dhuuqdo taleefanka haddii aad dhax geliso isaga oo dhan.

Gunnaanadkii, xaaladaha taleefanada ku dhaca biyaha ayaa kala duwanaan kara, waxaana mararka qaar saameyn leh nuuca biyaha sida inay yihiin kuwa cusbeysan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan