Home / Caafimaad / Maxaa loo calaanjiyaa xanjada cuntada kaddib?

Maxaa loo calaanjiyaa xanjada cuntada kaddib?

Himilo- Seynisyahano daraaseeyay baaritaanno socday 50 sanno ayaa sheegay inay habboon tahay in qofka uu calaanjiyo xanjada aan laheyn sokorta si uu uga fogaado suuska ilkaha.

Daraasadda ayaa daaha ka qaaday in calaanjinta xanjada aan macaanka laheyn inay yareyso khatarta suuska ilkaha 28%.

Waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo tilmaamay in xanjada waxyeello ku reebtay afka balse khubaro katirsan jaamacadda King’s College London ayaa dib u eegay baaritaanno la sameeyay tan iyo sannadkii 1970-kii.

Khubarada ayaa caddeeyay in 12 daraasad muujiyeen saameynta wanaagsan oo xanjada ku leedahay caafimaadka afka carruurta iyo dadka waaweyn.

Waxaa la oggaaday in dadka calaanjiya xanjada inay ka badbaadeen suuska ilkaha 28% marka loo fiiriyo dadka kale.

Khubarada ayaa ku baaqaya in habka calaanjida xanjada laga dhigo mid lagula dagaalamo suuska ilkaha gudaha dalka Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan