Home / Caafimaad / Maxaa loo dhiira geliyaa in aan mooska laga dhigan quraac?

Maxaa loo dhiira geliyaa in aan mooska laga dhigan quraac?

Himilo- Dad badan ayaa mooska ka dhigta cunto ay qaataan arroorta hore iyaga oo uga maarmaya quraac dhammeystiran. Tani waa sababta inay aaminsan yihiin in mooska ama muuska laga helo faa’iidooyin caafimaad.

Balse Dariel Joffer oo ku taqasustay quudinta ayaa daaha ka qaaday macluumaad ku saabsan mooska oo loo qaato quraac.

Ms Dariel ayaa xustay in mooska uu ka kooban yahay Potassium iyo vitamin B6 islamarkaana uu ka maran yahay Cholesterol iyo Soddium.

Iyada oo wareysi siineysa Byrdie ayay tiri “Waxa uu mooska u muuqdaa in dad badan ka dhigtaan quraac, laakiin marka aad fiiriso waxa uu ka kooban yahay 25% sokor.”

Waxay intaa raacisay “Waxaa laga yaabaa in mooska ku siiyo awood xooggan arroorta hore balse waxaa si deg deg ah u dareemi kartaa daal iyo gaajo.”

Haddii aad qaadaneyso mooska, Dariel ayaa ku siineysa tallo ah in aadan cunin kaddib cuntada islamarkaana hubiso in aad la qaadato cunto kale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan