Home / Macluumaad / Maxaa loo xeray Heather isaga oo aroos ah?

Maxaa loo xeray Heather isaga oo aroos ah?

Himilo- Booliiska gobalka Texes ee dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin aroos ahaa oo u dhacay banki si uu isaga bixiyo kharashka faraanti iyo xafladda guurkiisa.

Heather Pompus ayaa isku dhiibay booliiska kaddib markii uu ku dhiiraday in uu dhac ka geysto banki sida uu sheegay mas’uul dhinaca ammaanka ah oo katirsan gobalka Texas.

36 jirka falka dhaca ku dhaqaaqay ayaa qirtay danbiga isaga oo adeegsanayay hub uu ku handaday shaqaalaha bankiga.

Haweenayda uu kula jiray arooska ayaa la rumeysan yahay inay ku dhiira gelisay in uu isku dhiibo booliiska sida maamulka gobalka laga soo xigtay.

“Ma aanan heysan kharash badan oo aan ku bixiyo faraantiga aan doonayay in aan iibsado iyo xafladda arooska,” ayuu yiri Mr Heather.

Booliiska ma aysan faah-faahin xukunka uu wajahayo eedeysanaha oo sameeyay qirasho la xiriirta falka uu ku kacay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan