Home / Arrimaha Bulshada / Maxaa macallin Kenyaan ah loo siiyay 1 Milyan oo doolar?

Maxaa macallin Kenyaan ah loo siiyay 1 Milyan oo doolar?

Himilo FM –Macallin Kenyaan ah oo maadada seyniska ka dhiga tuulo fog islamarkaaana lacagta soo gasha ku caawin jiray ardayda saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ku kacaysa 1 Milyan oo doolar.

Peter Tabichi ayaa wax ka dhiga tuulada Pwani ee dalka Kenya halkaasi oo seddex meelood meel carruurta ku nool yihiin agoon islamarkaana ku soo noqnoqdaan abaarta iyo macluusha.

Fasalada dugsiga oo waxbarasho u fidiya ardayda da’dooda u dhaxayso 11 -16 jirrada ayaan qalabeysneyn, waxaana uu dugsiga leeyahay hal kombuyuutar oo internet-kiisa uu liito.

Mr Peter ayaa laga soo xushay 10 kun oo qofood oo codsaday abaalmarinta caalamiga ah ee Global Teacher Prize oo ku fadhisa qiimo dhan 1 Milyan oo doolar.

Dhaxal sugaha Dubai Shiikh Xamdaan Bin Maxamed ayaa guddoonsiiyay abaalmarinta macallinka Kenyaanka ah oo lagu casuumay xaflad ka dhacday Imaaraadka.

“Maalin kasta Afrika gudaheeda, waxaan furnaa bog cusub, abaalmarinta ima aqoonsaneyso aniga balse waxay aqoonsaneysaa dhallinyarada qaaradda,” ayuu yiri Tabichi.

Inkastoo ardayda macallin Tabichi wajaheen caqabado waaweyn haddana waxa loo aqoonsaday inuu arday badan ka caawiyay inay dugsiga sii joogaan halka qaarkood ay ka qeybgaleen tartano seynis oo heer caalami ah.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qoraal ku sheegay in sheekada macallinka tahay “ Sheekada Afrika.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan