Home / Caafimaad / Maxaa shaqaalaha Twitter loogu oggolaanayaa inay ka shaqeeyaan guryahooda?

Maxaa shaqaalaha Twitter loogu oggolaanayaa inay ka shaqeeyaan guryahooda?

Himilo – Maamulka shabakadda xiriirka bulshada ee Twitter ayaa ku dhiira geliyay shaqaalaha shirkadda ee caalamka oo dhan inay ka shaqeeyaan guryahooda kana foggaadaan tegista xafiisyada iyo safarka si ay uga baaqsadaan khatarta caabuqa Corona.

Tani waxay timid maalin kaddib markii maamulka shirkadda uu hakad geliyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee aan daruuriga aheyn oo ay sameynayaan shaqaalaha si loo ilaaliyo badqabkooda.

Maamulka Twitter ayaa shaaciyay inay waajib tahay in shaqaalaha shabakadda ee jooga Hong Kong, Japan iyo Koonfur Kuuriya inay guryahooda ka shaqeeyaan.

Jennifer Christie oo ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha Twitter ayaa xustay in ujeedka yahay in la yareeyo suurtagalnimada shaqaalaha ku qaadi karaan caabuqa dilaaga ah ee Corona.

Madaxa fullinta shabakadda ayaa tilmaamay in uu taageerayo in shaqaalaha ka shaqeeyaan guryaha inta uu jiro fiditaanka caabuqa Corona si loo ilaaliyo badqabkooda.

Tallaabada Twitter ayaa ku soo aadaysa iyada oo tirada dadka la il-daran caabuqa gaartay 90,000 qofood dunida oo dhan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan