Home / Habka-Nolosha / Maxaa Wim Hof loogu yeeraa ‘ninka barafka’?

Maxaa Wim Hof loogu yeeraa ‘ninka barafka’?

Himilo – Wim Hof waxa uu sannadkii 1959-kii ku dhashay dalka Holland, waxay dadku ugu yeeraan “ Ninka barafka” isaga oo awood u leh ku dhex jiridda barafka muddo saacado ah taasi oo ka dhigtay in loogu yeero naaneystaan.

Farsamadan waxay ka saacidday in uu helo tiro abaal-marinno caalami ah oo kor u dhaafaya 20 oo ay kamid tahay mid ay siisay hay’adda diiwaan gelisa dhacdooyinka layaabka dunida.

“Waxa aan annigu awood u leeyahay qof waliba waa uu sameyn karaa.” Waa hal-ku-dhegga Wim oo 17 jirkiisii billaabay in uu ku noolaado agagaaraha barafka isaga oo dadka bara la noolaanshaha habkan.

Guulaha uu gaaray Wim

2008: Waxa uu jebiyay rikoor uu horay u dhigay oo ah ku dhex jiridda ama ku quusidda barafka kaddib markii hal saac iyo 13 daqiiqo uu ku jirey barkadda taasi oo ay aqoonsatay Guinness World Records 2008.

2009: bishii Febraayo Hof ayaa gaaray halka ugu sarreysa ee buurta Kilimanjaro,  keliya waxay ku qaadatay gaaridda halkaasi labo maalin.

2010: Hof ayaa mar kale jabiyay rikoorka quusidda barafka isaga oo ay ku qaadatay hal saac iyo 44 daqiiqo tartan ka dhacay magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Hadda waa ninka heysta rikoorka ku quusidda barafka isaga oo ay aqoonsan tahay hay’adda dhacdooyinka caalamka diiwaan gelisa ee Guinness World Record kaddib markii uu hal saac iyo 52 daqiiqo ku dhex jirey baraf tartan ka dhacay New York bishii November sannadkii 2011.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan