Home / Habka-Nolosha / Maxaa xiriir ah oo ka dhaxeeya bidaarta iyo saacadaha shaqada?

Maxaa xiriir ah oo ka dhaxeeya bidaarta iyo saacadaha shaqada?

Himilo- Khubarada caalamka ayaa si joogto ah u baara sababaha bidaarta iyo wadiiqooyinka lagu daweyn karo. Illaa iyo immika, daraasado badan ayaa u tiiriyay bidaarta sababo ku qotoma dhaxal.

Balse baarayaal u dhashay Koonfur Kuuriya ayaa xiriir ka dhaxeysiiyay bidaarta gasha ragga iyo saacadaha tirada badan ee uu shaqeeyo qofka.

Baaritaanka khubarada oo lagu daabacay mareegta T Online ee dalka Jarmalka ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay 2013 illaa 2017 iyadoo ay ka qeyb galeen inka badan 13 kun oo qofood.

Ka qeybgalayaasha ayaa loo qeybiyay seddex koox oo isugu jirtay koox shaqeysa 40 saacadood toddobaadkii, kuwa shaqeeya 52 saacadood iyo kooxda seddexaad oo saacadaha shaqadooda lagu sheegay inka badan 52 saacad toddobaadkii.

Khubarada ayaa xusay in kororka saacadaha shaqada ay qofka ka dhigeyso mid u nugul bidaarta, waxaana ugu wacan dheecaanada jirka uu sii deynayo marka uu la kulmo cadaadiska ka dhasha shaqada.

Natiijadda baaritaanka ayaa adkeynaysa saameynta cadaadiska neerfaha uu ku leeyahay difaaca jirka iyo daadashada timaha.

Timaha ayaa mara heerar ka kooban illaa seddex oo ay kamid tahay daadashada timaha oo timaada marxaladda ugu danbeysa islamarkaana walaac badan ku heysa dad badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan