Home / Deegaan / Maxaad ka og tahay dhibaatada bacdu ku heyso nolosha iyo deegaanka?

Maxaad ka og tahay dhibaatada bacdu ku heyso nolosha iyo deegaanka?

Muqdisho – Waxaad maalin kasta ku ridataa adeegga iyo alaabada aad sidato. Waxaad jidadka ku aragtaa in kale oo baco ah oo dabeyluhu hadba dhinac u xoorayaan. Hayeeshe waligaa ma is-weydiisay imisa bac ayaan maalinle u isticmaalnaa? In intee la’eg ayayse saameyn ku leedahay dhulkeenna?!

Waxaan kuu sheegi karnaa xog badan oo ku saabsan bacda iyo dhibaatadeeda.

  1. Bacaha waxaa laga sameeyaa batroolka: tanina waa arrin aan dhammaanteen wada ogsoonnahay, hayeeshe laga yaabee inaad la yaabto marka aad ogaato in cabbir lagu qiyaaso 12 milyan oo barmiil oolyo ah sanad kasta loo adeegsado si loo soo saaro gudaha dalka Maraykanka oo kaliya. Waxaana jira nuucyo ay bacdu u kala qeybsanto.
  2. Tirilyoon bacooyin ah ayaa dunida laga adeegsadaa sanad kasta: Tusaale ahaan, celceliska sanadlaha ah ee isticmaalka bacda dalka Australia waa 170 bac qofkiiba. 150 milyan oo kamid ah tirada bacaha laga isticmaalo ayaa la iska xooraa. Kaliya 3% kamid ah ayaa hadda dib loo adeegsadaa: halka 200,000 oo bacooyin ah lagu shubo qashin-qubyada saacad kasta. Dalka Shiinaha, 3 bilyan oo bac ah ayaa maalin walba laga isticmaalaa. Dunida oo dhanna, tiro ku dhow laba milyan oo bac ah ayaa daqiiqad kasta la isticmaalaa.
  3. Badi bacaha ma ahan kuwa dhamaati geli kara: Durbaba hamoodin hadda kadib in bacda aad isticmaalayso aadan dib u arkin doonin mar kale. Bacuhu meelna kuma dhamaadaan. Waxay qaadan doonaan 15-1000 sanadood inay dhamaadaan. Taasna waxay ku xiran tahay xaaladda deegaanka sida kulka iyo qoyaanka. Hayeeshe dhibaatada jirta waa in bacahani ay qeyb ka noqdaan hal-wareega cunnada ‘food-chain’.

Dalal badan ayaa – iyaga oo ka duulaya saameynta muuqata ee bacdu ku leedahay deegaanka – waxay mamnuuceen isticmaalka, soo saarista iyo dhoofinta bacaha. Kenya waa dalkii ugu danbeeyey ee dhaqan-geliyay mamnuucista bacda. Rwanda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyey ee qaaradda Afrika oo dalkeeda ka mamnuucday bacda. Laakiin mamnuucista oo kaliya ma ahan fal-celinta looga golleeyahay in lagu dhimo ama lagu cirrib-tiro dhibaatada bacuhu ku hayaan noolaha.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aad u isticmaala bacaha. Sanadihii danbana waxay taasi keentay inay suuqa ka baxaan ama yaraadaan adeegsiga salladaha iyo wixii lamidka ah. Xittaa miyiga oo waagii hore laga isticmaali jiray dhiilaha iyo wixii la halmaala, hadda waxaa laga adeegsadaa caagado lagu shubto caanaha. Sidaas darteed, miyiga iyo magaaladaba, way wada isticmaalaan bacaha, hayeeshe waxay ku kala dheer yihiin isticmaalkeeda.

Nasiib-darro baraarugga la xiriira dhibaatada ay bacuhu ku leeyihiin deegaanka aad uma badna. Ku tiirsanaanteeduna waxay gaartay heerkii ugu sarreeyey.

Dhibta jirta waxay tahay si xun u adeegsiga ama isticmaalidda bacaha ee iyada dhib kuma sugna. Meel walba oo ishaadu qabato waxaad ku arki kartaa bacooyin la iska xooray kuwaas oo bilicda deegaanka kasokow, dhibaato caafimaad ku keenaya nolosha xoolaha oo sida raashiinka u ruugaya. Waxaa kale oo ay dhib weyn oo aan la mahdin ku reebaysaa kala sarreynta iyo carrasanta dhulka oo ay ka dhigayso lakabyo kala durdurugsan. Waxaana adkaanaysa in wax lagu beerto ama daaro laga dul-dhisto.

Nasiib-darro, dhibtani kaliya gaar kuma ahan magaalooyinka. Xoolaha miyiga fog ku nool ayaa sidoo kale u dhinta cunista bacaha oo dabeylaha ama dano kale ugu keeneen kadinka ay ku hoydaan. Kuwa magaala-joogtada ahna, way iska caddahay inay dhibaato ku qabaan cunista bacaha. Imisa ayaad aragtay lo’ badan oo bacda raamsanaysa?!

Mushkiladda kale ee sida gaarka ah inooga heysata bacaha waa in kuwa qashinka daabula ay ku qubaan xeebaha iyo meel kasii durugsan. Taasina waxay halis kale ku tahay kheyraadka ku nool biyaheenna sida Kalluunka iyo kuwa lamidka ah. Qubada, Mallaayga jaadadkiisa kala duwan ayaa cunno ahaan ku qaldama bacaha kuna neef-qabatooma. Sanad kasta kumaankun noolaha badda ku jira ayaa u dhinta bacda. Waana sababta dhimasho ee nolosha dhaafisa kheyraad badan oo biyaha ku nool.

Sidaas darteed, dhibaatada bacdu ku leedahay nolosheenna iyo tan deegaankeenna, kaliya uma baahna ogsoonaan. Waxaan u baahannahay inaan wacyigeeda la noolnahay maalin kasta.

Haddaba maxaad sameyn kartaa?!

Jawaabtan su’aashan waa inay ka timaadaa qof kasta oo Soomaali ah kaas oo hadda kadib iyo horraanba ogaaday saameynta xun oo ay leedahay bacda.

Wacyi-gelin ballaaran in la sameeyo waa lama huraan. Tallaabooyinka aad qaadi kartana waxaa kamid ah;

  1. Ku dhiirri-geli dadka kale inaysan joogto u isticmaalin bacda.
  2. Isku day inaad ururiso bacaha aad hesho oo aad meel ku wada gubto.
  3. Qaad ol’ole aad waaxda dowladda hoose kaga kaalmeyn karto inay mamnuucdo ama xeer adag ka sameyso bacaha.
  4. In badan la wadaag waaya’aragnimada aad ka og tahay dhibaatadeeda dadka kula midka ah ee kugula sugan goobaha wax-barashada, caafimaadka iyo shaqooyinka.
  5. Ku dhiirri-geli haweenka adeegga usoo raadsada suuqa ama rugtaada ganacsiga inay salado soo qaataan – halkii bac loogu shubi lahaa adeegooda.

Si kastaba, haddii ugu yaraan aynu tallaabooyinkan u beddelno ficil, waxaan hubaa inaan ka xoog badin karno mushkiladdan caalamiga ah. Balse inta laga helayo baraarug qaran oo meel looga soo wada jeesto xalinta dhibaatada laga dhaxlay si xun u adeegsiga bacaha, manoqon doonto wax la qaayibo in dalkan uu muddo gaaban kadib isku badalo dhul dhibane u ah bacaha.

Plastic_ocean_fne11Co

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan