Ziona Chana ayaa aabo u ah qoyska ugu tirada badan caalamka , waxa ay ka kooban yihiin 39 xaas oo uu qabo Ziona, 94 caruur oo uu dhalay iyo 33 kale oo caruurtiisa ay sii dhaleen.
Qoyskan oo ah reer Hindi ayaa ku nool gobalka Baktwana ee ku dhow xuduuda Hindiya ay la leedahay dalalka Bangladhesh iyo Burma.
Waxa ay ku noolyihiin qoyskan oo hay’adda Guiness World Records ay u aqoonsatay qoyska ugu tirada badan caalamka guri ka kooban 4 dabaq oo leh 100 qol .
Maalintii qoyskan waxa ay cunto ahaan u qaataan 91 kg oo bariis ah, 59 kg oo bataati ah iyo 30 digaag iyadoo cuntada intaa la eG lagu kariyo hal jiko oo ka dhaxeysa qoyska oo dhan.
Dhinaca howsha guriga waa mid ku saleysan iskaashi oo waxaa iska kaalmeeya 39 xaas ee uu qabo Ziona Chana iyo caruurta ay dhaleen.
‘ waxaan isku arkaa inaan ahay nin nasiib badan maadaama aan leeyahay 39 xaas islamarkaana aan aabo u ahay qoyska ugu tirada badan dunida ‘ Sidaasi waxaa yiri Ziona oo ah nin hindi ah oo leh 39 xaas.
Waxa uu intaa ku daray in sanad gudihii uu guursaday 10 haween ah hadana uu diyaar u yahay kuwa kale oo uu la midoobo.
Midka kamid ah 39 xaas ee Ziona oo la yiraahdo Rinkmini ayaa sheegtay in waxa isku haya qoyska ay yihiin jaceyl iyo xushmad.
Ziona Chana -aabaha qoyska ugu tirada badan caalamka- ayaa ah 66sano jir leh taageerayayaal raacsan oo gaaraya 400 oo qofood .