Home / Habka-Nolosha / Maxaad ka taqaan taariikhda laacibkii xulka qaranka ee Mukhtaar Cuti?!

Maxaad ka taqaan taariikhda laacibkii xulka qaranka ee Mukhtaar Cuti?!

Muqdisho – Magaciisu waa Mukhtaar Maxamed Axmed oo ku magac dheer ‘Mukhtaar Cuti’. Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Carra-guduudda oo markii danbe loo bixiyay ‘Bakaaraha’ kana tirsan degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir.

Waxa uu dhashay sanadii 1964-kii. Wax-barashada aas’aasiga, Mukhtaar waxa uu ka bilaabay dugsigii Dhagax-tuur ee degmada Hodan – halka dugsiga dhexena uu ku qaatay Iskuulka 21-November ee degmada Howl-wadaag, kan sarana Iskuul Banaadir, in kasta oo uusan gaarin heer jaamacadeed.

Cuti waxa uu ahaa laacib ku wanaagsan ciyaarista kubadda cagta kana mid ahaa laacibiinta ugu magaca dheer kubadda cagta Soomaaliya ee kasoo ciyaaray waagii berisamaadka iyo Nabaddii Isbartiibo Muqdisho ama Tuulada Sportiga.

Mukhtaar Cuti waxa uu mihnada ciyaaraha ku soo biiray isaga oo aad u da’yar, waxa uu ka bilaabay kubadda cagta garoomada bacaadka ee ku yiillay degmada Howl-Wadaag, waxaana garab ku siiyay in uu laacib noqdo hooyadiis.

Marka laga soo tago kubadda cagta, waxa uu aad u jeclaa ciyaarista kubadda Koleyga isaga oo u saftay degmada Howl-wadaag tartanka kubadda Koleyga iyo Miiska.

Cuti waxa uu kooxda heerka 2aad ee Batroolka ku biiray sanadii 1977-kii, waxaana ku soo dhaweeyay macalimiintii kooxda soo martay sida; Cusmaan iyo Cumar, waxayna siiyeen kalsooni ballaaran oo uu ku muujin karo tayadiisa ciyaareed, ugu danbeynna wuxuu noqday ciyaaryahan heer qaran oo magac ka sameeyay kubadda cagta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Madbacadda iyo Horseed kuwaas oo u adeegsan jiray si amaah ah xilliyada ay ka qeyb galayaan tar­tamada caalamiga, maadaama uu Mukhtaar ahaa laacib ka dhex muuqda horyaalka dalka.

Cuti waxa uu u ciyaaray kooxda Waxool, isaga oo kala qeyb-galay kulan is reeb-reeb ah oo ay la ciyaareen koox ka dhisan dalka Burundi. Kulankii hore, Waxool waxaa lagu soo garaacay 1-0, laakin markii ay Muqdisho yimaadeen, waxay Waxool guushu ku raacday 2-0.

Laakiin, nasiib-darro, Mukhtaar iyo kooxdiisa Waxool oo ku xeraysan Stadium Muqdisho iskuna diyaarinaya wareegyada xiga tartanka ayaa loo sheegay in dhibcaha laga xayuubiyay markii ay safeen Goolhayahoda oo fagtii hore calaamadda Cas soo qaatay, taasina waxay keentay in guud ahaanba tartanka ay isaga haraan.

Xusuusihii ugu weynaa Mukhtaar Cuti ee  kubadda Cagta uusan ilaabi karin waxaa ka mid ahaa kulan ay u ciyaarayeen kooxda Horseed; isaga iyo Khaliif Riiko. Kulankan  Waxa ay la dheeleen kooxda ka dhisan dalka Masar ee Lagu Magacaabo al-Mukhawaluun.

Lugtii hore, Horseed waxaa looga badiyay 7-0, waxayna Mukhtaar u ahayd guul-darradii ugu xumayd ee soo wajahda taarikhdiisa, laakiin markii ay Muqdisho yimaadeen, kooxdu waxay cashar u dhigeen al-Mukhawaluun oo ay kaga adkaadeen natiijo 2-0.

Guulaha uu kooxda Batroolka la gaaray Mukhtaar waxaa ka mid ah; waxa uu hal mar la qaaday Koobka General Daa’ud  iyo mar naadigisa kaalinta 2aad ee horyaalka ay soo tiigsadeen. Sidoo kale, waxa uu kooxda la qaaday koobab badan oo ah kuwa Munaasabadaha.

Sanadkii 1980-kii, waxaa looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Junior-ka, oo macalin u ahaa tababare Klose oo u dhashay waddanka Jarmalka. Waxay laacibka u ahayd fursad qiimo badan, maadaama uu saddex sano kahor kusoo biiray kooxda Batroolka.

Sanadkii 1982-kii, waxa uu gaaray guushii ugu wayneyd ee kubadda cagta. Waxa uu xulka Junior-ka Soomaaliya kula guulaystay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Koobkan waxaa ka qeyb-gali jiray saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Zanzibar. Waxayna ahayd ciyaaro is arag ah oo lagu qaadayay Dhibco.

Ciyaartii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay la ciyaartay kana badisay dalka Kenya; tii xigtay oo ay wada ciyaareen Kenya iyo Zanzibar waxay ku kala baxeen barbarro.

Ciyaartii ugu danbeysay Soomaaliya oo 3 dhibic wadata iyo Zanzibar oo hal dhibic sidata oo wada ciyaaray waxay ku kala baxeen 2-2. Si kastaba, Soomaaliya ayaa lagu guddoonsiiyay koobka markii 15-kii daqiiqo ee ugu danbaysay ay laacibiinta Zanzibar isaga baxeen garoonka.

Intii uu ku guda-jiray ciyaaraha, waxa uu ka ciyaaray waddamo badan sida; Kenya, Ugaandha, Burundi, Masar, Marooko, Yeman, Sucuudiga iyo Cumaan. Laakin safarradii ugu muhiimsanaa oo uu dibadda ku soo ciyaaro waxaa kamid ah ciyaaro lagu qabtay dalka Sucuudiga oo ay wada ciyaarayeen dalalka Sacuudiga, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman.

Ciyaarahaas waxaa kasoo qeyb-galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sucuudiga oo taageero weyn u muujiyay Xulka Qaranka, waxa uu sidoo kale ciyaaray tartanka Bariga iyo Bartmaha Afrika iyo is reeb-reebka koobka dunida.

Ciyaartii ugu horraysay oo uu u ciyaaro xulka Qaranka Soomaaliya waxay ahayd ciyaar katirsan is reeb-reebka koobka adduunka, lana ciyaaray waddanka Niger, ciyaartii 1aad waxaa dalka loogu badiyay 1-0; tii labaad oo ay kuwada ciyaareen Isbartiibada Muqdisho, waxay ku dhamaatay barbarro 1-1.

Daafacyadii ugu adkaa oo uu wajaho waxaa kamid ah daafacii kooxda Horseed, Ibraahim Shaah, Ceyrow iyo xiddigo kale oo xariif ku ahaa daafacashada kubadaha.

Waxa uu ka hadlay farqiga u dhaxeeya ciyaarihii hore iyo kuwa maanta, waxa uu  sheegay in ciyaaraha hadda ka socda dalka ay horumar badan sameeyeen. Wuxuuna   tusaale u soo qaatay  xilligii beri-samaadka oo ay jireen labo heer – Serie B iyo Serie A.  Hadda ayuu yiri dalka waxaa ka jira saddex heer oo kala ah; Serie C, Serie B iyo Serie A.

Amaan ayuu usoo jeediyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed kagana mahad-celiyay casuumaad ka dhacaysay dalka Jabuuti uu ka helay xiriirka sanadkii 2006 oo xilligaas guddoomiye uu ka ahaa AUN Siciid Mugaanbe. Casuumaadda ayaa ahayd seminar ku saabsan xirfadda macalinnimo. Halkaas ayuuna uga yimid dalka Kanada, gaar ahaan magaalada Toronto.

Markii uu ciyaaraha isaga fariistay, waxa uu tababbare ka noqday dalka dibaddiisa siiba Kanada. Kooxo badan oo ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed ayuu leyliyay. Isaga tegista dalka sanadkii 1988-kii, Cuti ma dhicin inuu tabbare ka noqdo ciyaaraha gudaha ka dhaca.

Tegistiisa Toronto waxaa isaga iyo halyeyo kale sida Xasan Xarbi ay halkaas ka aas’aaseen tartanka caanka ah ee Somali Week oo 28 sano jirsan.

Mar uu ka hadlayay qaabka lagu horumarin karo ciyaaraha Soomaalida, wuxuu amaanay kooxdaha dalka ee isku howlay horumarinta isboortiga nuucyadiisa kala duwan. Xilligiisa dhammaan kooxaha ciyaaraha waxay hoos imaan jireen dowladda dhexe.

Cuti waa nin jecel isboortiga qeybihiisa kala duwan, waxa uu kubadda cagta ka taageeraa naadiyada ugu caansan qaaradda Yurub sida; Arsenal, Real Madrid, AC Milan, Bayern Munich iyo PSG.

Mar aan weydiiyay haddii uu jecel yahay inuu dalka kusoo laabto iyo in kale, wuxuu ii sheegay inuu daltabyoodo mar kasta, jeclaan lahaana inuu waddankiisa kula soo laabto qorshe ah in ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee dibad-joogta ah yimaadaan dalka, kuna soo ciyaaraan goballada dalka.

Hadda waxa uu ku nool yahay dalka Kanada, gaar ahaan Toronto. Waa xaasle la nool toddobadiisa carruur ee ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood.

Ugu danbayn, Cuti wuxuu baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku sugan. Ka qeyb-qaadashada horumarka dalka si ay u helaan fursado ay kusoo bandhigi karaan xirfaddooda ayuu ku baraarujiyay.

Muk 1 muk 3 muk 4

Qore iyo ururiye: wariye Maxamed Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; daacadyare210@gmail.com.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan