Himilo-Xeer-ilaaliye: Waa dacwad-oogaha guud iyo ilaaliyaha xeerarka dalka u yaal, waa hagaha baaritaanada hordhaca ah ee danbiyada, waa teedka u taagan eedaha uu xafiiskiisu soo jeediyo, maadaama ay sharciyan tahay inuu goob-joog ka noqdo, isagoo xaq u leh inuu ku weydiisto maxkamadda gudaheeda garsooraha furista dhageysiga dacwadda, taasoo sharci ahaan loo yaqaan (Codsi Eedeyn ah).
Farqiga u dhaxeeya Xeer illaaliye iyo Garsoore ayaa ah: Xeer-ilaaliyahu waa u qareemaha dhinacyada dooddu u dhaxeyso mid kamid ah, halka Garsoorahu uu yahay hagaha fadhiyada Dacwadu ka socota, si uu u calaamadeeyo bilowga iyo dhammaadka dhageysiga Dacwadda.
Xafiiska Xeer-ilaalinta waa barta lagu dhowro, laguna dar-dargeliyo Gal-danbiyeedka, waa bar-billowga baaritaan kasta marka u jiro fal-danbeyeed. Tusaale: hadii xatooyo xoolo dadweyne ama baaritaan musuq-maasuq xafiiska Hanti-dhowrka Qaranku soo gudbiyo, Xeer-ilaalinta ayay waajib ku noqoneysaa billowga baaritaanka dacwaddaas. Waa xafiis mug leh marka la eego dowladnimada, dhaqan gelinta xeerarka iyo shuruucda dalka iyo sarreynta sharciga. Waa xafiis adeeg lagama maarmaan ah siiya shacabka Soomaaliyeed una madax banaan shaqooyinkiisa.
Awoodaha Xafiiska Xeer-ilaalinta.
Xafiiska xeer ilaainta awoodaha sharci ee uu leeyahay waxa kamid ah:
- Inuu garsoorka ka dalban karo fursad, si ay u soo uruursadaan caddeymo ku filan.
- Inuu codsan karo waqti dheeraad ah oo dhageysiga maxkamadda ku saabsan, si waafaqsan hab-raaca iyo hab-sami u socodka dacwadaha maxkamadda ka furan.
- Inuu weydiisan karo garsoorka xabsi heynta eedeysanaha muddo ku filan
Sidoo kale Xafiiska Xeer-ilaalintu wuxuu mas’uul ka yahay abaabulka iyo isku dubaridka baaritaanada, iyadoo la adeegsanayo laanta daba-galka danbiyada iyo booliiska. Wuxuu awood booxda u leeyahay bixinta amarka lagu soo qabanayo kuwa gala dambiyada, iyagoo soo saaraya warqad soo qabasho oo aan soo marin garsoore Maxkamadeed.
Dhismaha iyo Asaasidda Xafiiska
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka (XIGQ) waxaa lagu asaasay Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG) Xeer Lambar. 3 ee 12, June 1962, kaas oo ka dhigay XIGQ laanta Garsoorka sida uu tilmaamayo Qodobka 15 ee XNG. Inkastoo uu weli isagu dhaqan-gal yahay, haddana waxaa muuqata in isbaddel ku imaanayo qaabkii uu XNG u asaasay XIGQ maadaama nidaam siyaasadeedka Dalk u isbadselay, loona wareegay Nidaam Federaal ah, Iyada oo ay socdaan dedaalada dib u eegista Dastuurka ku-meel-gaarka ee Dalka oo ay wadaan hay’adaha qaabilsan, kuwaas oo haddii la meel mariyo la filan karo in dastuurku jiheeyo Nidaamka Caddaaladda Dalka oo uu u nidaamayo hab Federaal ah oo la jaan qaadaya nidaamyadda Garsoorka Federaalka ee Dunida kale.
Waxaa lagama maarmaan ah in la isu dheelitiro laba ujeeddo oo is barbar socda, xiriirna ka dhaxeeyo: kuwaasoo kala ah:
- In bulshada degaan kasta xafiiskeeda dambi-oogistu noqdo mid u sidkan danaheeda gaarka ah.
- In la helo tababarro, halbeegyo iyo qaab -siyaasadeed dambi-oogis ah oo midaysan lagana dhaqangelin karo waddanka oo dhan.
Waajibaadka Xafiiska
Waajibaadka Xeer-ilaalinta guud ee qaranka waxaa lagu xusay xeerar dhawr ah oo ay ugu weyn yihiin Xeerka Habka Ciqaabta (XHC) iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG). Waxaana ka mid ah:
- Dacwo-oogista
- Ka hortagga iyo ka daba-tagga Danbiyadda
- Hagista baarista dacwadaha ciqaabta ah ee Dalka iyo maxkamadayntooda.
- Ilaalinta iyo dhowridda Xuquuqaha kala duwan ee mawaadiniinta Soomaaliyeed.
- Xaqiijinta sarreynta sharciga iyo ku dhaqanka Xeerarka Dalka iyo fulinta go’aamada sharci ah ee ka soo baxa hay’adaha Dawladeed ee kala duwan.
- Kormeeridda xaaladdaha nololeed iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee maxaabiistu leeyihiin.
- Xaqiijinta Xuquuqda agoonta iyo dadka nugul.
- Ilaalinta Danta Guud ee Cadaaladda.
Blogger: Cali Hilowle