Himilo-Xabsida SEDNAYA oo ahaa Meeshii Bashar Al-Asad uu ku cadaabi jiray shacabka Syria ee arimaha siyaasadda laxariira loo heysto ayaa ugu dambeyntii albaabada loo laabay.
Xabsiga SEDNAYA oo ku yaala banaanka caasimada Dimishiq ee suuriya ayuu nidaamkii hore dadka ku cadaabi jiray kuna toogan jiray iyadoo tirada uu qaadana la sheegay ilaa 120 kun oo qof inay tahay,
markii mucaaradka xukunka la waregeen ayaa gudaha xabsiga la galay iyadoo kumanaan qof ooda laga qaaday oo rag iyo dumaar iskugu jiray kuwaasi oo ku xirnaa dabaqyada sare ee xabsiga.
Xabsiga Sednaya waxa uu lahaa qeyb layiraah qeybta Cas’ waana meesha ugu qatarta badan, waa dhulka hoostiisa, waa halka lagu ciqaabaye dadka siyaasad ahaan loo heysto.
72 saac kadib waxaa lasoo gabagabeeye howlihii baaritaanka ee maxaabiiska looga soo deynaye xabsiga oo sadax dabaq oo dhulka hoostiisa ah lahaa oo ay ku jireen maxaabiis tira badan
Mid kamid ah ganacsatada ugu waaweyn dalka suuriya ayaa u balanqaaday cidii ka saacida kooxaha gurmadka dagdaga in la helo albaabada sirta ah ee xabsiyada dhulka hoostiisa ah inuu bixinayo 100K dollar xataa hadii uu ka tirsanaa nidaamka hore la damaanad qaadayo amaankisa .
Sadaxda dabaq ee dhulka hoostiisa ayaa lagu kala magacaabaa xabsiga guduudan xabsiga cad iyo xabsiga jaalaha ah iyadoo lagu xero dadka dambiyada adag lagu soo oogo ee arimaha siyaasada la xiriira iyadoo si guud ugu go’an xabsiga intiisa kale.
Dadaalo aan kala joogsi lahayn ayaa la sameeye si loo soo daayo maxaabiista halka ku dayacneed oo ugu dambeyntii xurnimadooda helay. Xaalada halkan kajirta ayaa walwal iyo argagax leh