Home / Macluumaad / Maxay Australia uga taqaluseysaa labo Milayn oo bisad?

Maxay Australia uga taqaluseysaa labo Milayn oo bisad?

Himilo FM –Bisadaha waxaa lagu tiriyaa xayawaanada loogu jecel yahay ee rabaayada laga dhigto caalamka oo dhan hase ahaatee marka la fiiriyo Australia, sidaasi ma aha sheekada.

Xukuumadda Australia ayaa ku dhawaaqday go’aan ku saabsan inay ka taqaluseyso ku dhawaad labo Milyan oo bisad ah marka la gaaro sannadka 2020.

Australia ayaa sababta arrintan ku soo koobtay in bisadaha mas’uul ka yihiin dhimashada 650 Milyan oo xayawaan sannad kasta.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii dowladda baartay saameynta bisadaha ku leeyihiin xasharaadka iyo xayawaanada kale ee nool.

Labo Milyan illaa 5 Milyan oo bisad ah oo ku nool Australia ayaa sabab u ah dhimashada 650 xayawaan oo isugu jira shimbiro iyo xamaalato sida laga soo xigtay hay’adda xayawaanada dalkaasi.

Maamulka Australia ayaa daaha ka qaaday in bisadaha looga taqalusayo bad dhan 12 Hectar iyadoo la baneenayo 5 jasiiradood. Waxaa kale oo 5 Milyan oo doolar loo ballan qaaday hay’adaha ka shaqeeya bisadaha.

Hay’adaha u ololeeya arrimaha xayawaanada iyo dalalka dariska ah ayaa dhaleeceeyay go’aanka Australia kaddib markii la oggaaday in xukuumadda Canberra ay adeegsan doonto sun si looga taqaluso bisadaha. Dadka qaar ayaa qaba inaysan xaq aheyn si loo badbaadiyo xayawaano in loo laayo kuwa kale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan