Himilo – Daraasad cusub oo ay sameysay jamacadda Buffalo ee magaalada Newyork ayaa muujisay in carruurta farxadda badan u nugul yihiin buurnaanta darran.
Baarayaasha ayaa xusay in markasta oo labada waalid si wanaagsan ula tacaamulaan cunugga iyaga oo siinaya farxad inay ka dhigi karto mid buuran marka uu gaaro da’da 5 jirka.
Waxaa la rumeysan yahay in aan loo oggeyn waxa keena buurnaanta darran hase ahaatee waxaa markasta saameyn ku leh sababo dhaxal ama deegaanka la xiriira.
Waxaa kamid ah sababahaasi macmacaanka badan ee waalidiinta siiyaan carruurta sannadaha hore.
Khubarada ayaa tilmaamay in dhaqanka carruurta kala kulmaan waalidiinta uu saameyn wanaagsan ku leeyahay buurnaanta xad dhaafka ah.
Waalidiinta ayaa lagula taliyay inay sugaan inta cunugga ka gaarayo hal sanno islamarkaana ka fogaadaan inay siiyaan macmacaan badan kahor da’daasi.
Daraasada ayaa soo jeedinaysa in carruurta aan la siin macmacaan kasta kahor inta ay ka gaarayaan 12 billlood iyadoo la aaminsan yahay inaysan kahor wax nacfi caafimaad ah u laheyn.