Home / Macluumaad / Maxay darawalada Takaasida Rome go’aansadeen inay ku caawiyaan dhaqaatiirta?

Maxay darawalada Takaasida Rome go’aansadeen inay ku caawiyaan dhaqaatiirta?

Himilo – Dadka Talyaaniga ayaa u sameynaya dhaqaatiirta iyo khubarada caafimaad ee la tacaaleysa caabuqa Corona caawin kasta. Hadda, darawalada gaadiidka ayaa billaabay inay kaalmeeyaan guud ahaan khubarada caafimaadka.

Ku dhawaad 50 kamid ah darawalada Takaasida caasimadda Rome ayaa billaabay ol-ole shaqaalaha caafimaadka si bilaash ah lagu gaarsiinayo xarumaha ay ka shaqeeyaan.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Talyaaniga, darawalada ayaa go’aansaday inay kaalin ku yeeshaan dadaallada socda iyaga oo ballan qaaday inay dhaqaatiirtka si bilaash ah ku geynayaan isbitaalka Spalansani oo kamid ah isbitaalada ugu waaweyn dalka ee lagu dabiibo cudurrada faafa.

“Halkii aan joogi laheyn guryaha, waxaa habboon in aan ka shaqeyno sidii aan u caawin laheyn dadka naftooda noo huraya,” ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta.

Mid kale ayaa yiri “ laga billaabo maanta, waxaa jiri doono goob lagu baakimo Takaasida, halka labo gaadiid loo gaar yeeli doono isbitaalka.”

Darawalada kaxeynaya Takaasida ayaa iskood u soo iibsaday dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay uga foggaadaan khatarta caabuqa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan