Home / Caruurta / Maxay dhallaanka ku biirinaysaa haddii guriga looga hadlo inka badan hal af?

Maxay dhallaanka ku biirinaysaa haddii guriga looga hadlo inka badan hal af?

Himilo – Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in carruurta qoysaska ku hadla afaf kala duwan la qabsan karaan macluumaadka si dhaqso ah oo ka badan dhallaanka kale sida ay qortay wakaaladda Jarmalka.

Baarayaasha daraasadda oo ay sameysay jaamacadda Angelia Raskin ee UK ayaa tilmaamtay faa’iidooyin badan oo carruurta ka dhaxlaan marka qoyska ku hadli karo inka badan hal luqad.

Natiijadda daraasadda ayaa qeexaysa in ku noolaanshaha guriga looga hadlo labo luqadood ay dhallaanka ka saacideyso la qabsiga macluumaadka cusub kahor inta aysan baran hadalka.

Ku dhawaad 102 caana-nuug oo da’dooda u dhaxayso 7 illaa 9 billood ayaa ka qeyb galay baaritaanka sida laga soo xigtay wakaaladda Jarmalka.

Dean D’Souza oo kamid ah baarayaasha ayaa xustay in natiijadda tilmaamayso in dhallaanka ku kora guryaha looga hadlo afaf kala duwan ay si dhaqso ah ula qabsadaan deegaanka marka loo fiiriyo dhiggooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan