Home / Habka-Nolosha / Maxay diyaaradaha u gaari karin hawada sarre (Space-ka)?

Maxay diyaaradaha u gaari karin hawada sarre (Space-ka)?

Himilo FM –Iyadoo tiknolojiyadda sahashay in la gaaro hawada sarre (Space-ka) islamarkaana dad badan ku fekerayaan inay u safraan ayaa waxaa isweydiin mudan “maxay diyaaradaha u gaari karin hawada sarre (Space-ka)?

Sida uu qoray bogga Business Insider, diyaaradaha hadda shaqeeya majari karaan daboolka ku dahaaran hawada sarre sababo badan oo jira awadeed.

Caqabada koowaad waxay tahay soo jiidashada dhulka oo ay marka hore tahay inay diyaaradaha ka gudbaan si ay u gaaraan hawada sarre, taasi waxay u baahan tahay xawaare sarre oo diyaarada lagu duuliyo.

Si looga gudbo caqabadan, waxaaa waajib noqonaysa in diyaaradda jarto 40 kun oo km saacaddii iyadoo xusid mudan tahay in diyaaradda ugu xawaaraha badan caalamka jarto masaafo dhan 8272 km saacaddii.

Dhibaatada labaad ayaa ah in diyaaradaha aan lagu xakameyn karin hawada sarre iyadoo Oxygen-ka uu yaraanayo, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa shidaalka matoorada diyaaradaha.

Inta badan diyaaradaha ganacsiga kor uma dhaafaan 45 kun oo cag, waxaa jirtay diyaarad dhigtay rikoor caalami ah sannadkii 1977-dii markay ku duushay 123 kun oo cag.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan