Himilo – Ganacsatada dukaamada tafaariikhda ee Ingiriiska ka codsaday macaamiishooda inay muujiyaan mas’uuliyad marka ay wax iibsanayaan xilli dad badan billaabeen inay keydsadaan cunto badan sabab la xiriirta caabuqa Coronavirus.
Sida ku cad qoraal ka soo baxay ganacsatada, 12 dukaan oo waaweyn oo ku yaalla Ingiriiska ayaa soo saaray baaq cinwaan looga dhigay “In laga shaqeeyo quudinta dadka oo dhan” kaasi oo macaamiisha loogu sheegayo inay xilli kasta heli karaan cunto ku-filan.
Wakaaladda Bloomberg ayaa qortay in qoraalka uu ku socdo dadka qaba walwalka la xiriira Corona iyada oo lagu boorinayo inay dhowraan xuquuqda dadka kale.
“Waan qiyaasi karnaa walaaca aad qabto, laakiin in aad iibsato wax ka badan baahidaada, waxay ka dhigan tahay in aad illowdo baahida dadka kale,” ayaa lagu yiri qoraalka ganacsatada.