Himilo –Bogga One Two Trip ayaa daabacay liis dheer oo ku saabsan waxyaabaha ay dadka rakaabka ah ku illoobaan diyaarada inta ay ku safrayaan.
Marka la eego tirakoobyada, 23.1% dadka ayaa waxyaabo u gaar ah uga taga diyaaradaha hal jeer inta ay safarka yihiin noloshooda.
Tirakoobyada ayaa muujiyay in 29% waxyaabo looga tago diyaarada inay yihiin qalabka elektoroniga ah sida taleefanada iyo kombuyuutarada, dhagaha wax lagu dhageysto iyo qalabka musiga.
Boorsooyinka yaryar ee haweenka iyo kuwa lagu keydsado dukumentiyada ayaa sidoo kale lagu illoobaa diyaaradaha halka 13% waxyaabaha rakaabka ay ka soo iibsadaan suuqyada looga tago diyaaradaha.
Dharka sida jaakadaha oo kale ayaa lagu qiyaasay 10% sida lagu sheegay warbixinta cusub ee Bogga One Two Trip.
Khubarada dalxiiska ayaa tilmaamaya in inta badan waxyaabaha looga tago diyaaradaha in lagu wareejiyo waaxda qaabilsan ee garoonka, waxayna taasi fursad siineysaa rakaabka oo dib u heli kara alaabta ka maqan.