Home / Caafimaad / Maxay ka dhigan tahay hindhisada carruurta ee aroorta hore?

Maxay ka dhigan tahay hindhisada carruurta ee aroorta hore?

Himilo FM – Carruurta qaar ayaa hindhisa aroorta hore haddaba waxaa in muddo ah la isweydiinayay waxay ka dhigan tahay xaaladaasi.

Hay’adda Yurub ee baaritaanada xasaasiyadda ee ECARF ayaa jawaab u heshay hindhisada carruurta ee xilliga hore ee aroorta.

ECARF ayaa xustay in hindhisada carruurta tilmaamayso jiritaanka xasaasiyadda boorka guriga taasi oo astaamaha lagu garto kamid yihiin qufac iyo indhaha oo qofka guduuta.

Hay’adda ayaa ka hadashay farqiga u dhaxeeya xasaasiyadda laga qaado boorka guriga iyo tan qabowga. Midda hore waxaa la dareemaa subaxdii halka tan kale jirto maalintii oo dhan.

Sababta ayaa loo celinayaa in waxyaabaha keena xasaasiyadda boorka laga helo firaashka lagu jiifto. ECARF ayaa ku talinaysa ahmiyadda ah in cunugga loo geeyo dhaqtar marka lagu arko hindhisada aroorta.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. FORMS Injectable and Tablet Form

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan