Home / Daraasad / Maxay ka simman yihiin dadka iyo xayaawannada naasleyda?

Maxay ka simman yihiin dadka iyo xayaawannada naasleyda?

Himilo – Maroodiga iyo Libaaxa waxay kamid yihiin xayaawannada ugu magaca sarreeya duur-joogta gaar ahaan kuwa naasleyda, waxaana hadda soo baxday daraasad muujisay in xayawaanka dheddiga ee naasleyda ay ka cimri dheer tahay labka, waxayna arrinkan kala sinteen bini-aadamka.

Cilmi-baarista oo lagu sameeyay 101 nooc oo xayawaanka naasleyda ah kuwaasi oo ku nool 134 goobood oo kala geddisan ayaa la sheegay in dhedigta ay 60% ka cimri dheer tahay labka, taasi oo ka dhigan in celcelis ahaan ay ka wakhti dheer yihiin 18.6%.

Bini-aadamka ayaa la sheegay in dheddiga ay 7.8% ka cimri dheer yihiin labka, sida lagu daabacay daraasad ay soo saareen Proceedings of the National Academy Of Sciences.

“Ma helin kala duwanaansho jinsi oo ku aadan heerka da’da. Kala geddisnnanta jinsiga ee ku aadan cimriga dhexe ee dadka da’da ah iyo heerarka gabowga ayaa labaduba ah mid aad loogu kala duwan yahay,” ayaa lagu yiri daraasadda.

Xayawaannada naasleyda ee duur-joogta ah islamarkaanna lagu xusay daraasadda waxaa kamid ah,Libaaxa, Bakaylaha, Goriillaha, Fiidmeyrta iyo Maroodiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan