Himilo FM – Baarlamaanka Macedonia ayaa ansixiyay sharci wax ka badal ku sameynaya magaca dalkaasi oo loo badalayo jamhuuriyadda Macedonia.
Ra’iisul wasaare Zoran Zaev ayaa si dirqi ah ku xaqiijiyay seddex meelood labo meel codadka uu u baahnaa si loo sameeyo isbadalka taariikhiga ah ee lagu badalayo magaca dalkaasi.
Inkastoo baarlamaanka u codeeyay wax ka badalka magaca dalkaasi haddana waxaa arrintaasi qaadacay kooxaha mucaaradka.
Dibad baxyo ayaa laga soo wariyay bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka, waxayna dadka ka soo horjeedeen waxay ugu yeereen khiyaano qaran.
Tallaabadan waxay dowladda uga dan leedahay inay ku soo gabagabeyso muranka 27 jirka ah ee kala dhaxeeya Giriiga oo leh gobal wata magaca Macedonia.
Baarlamaanka Giriiga ayaa ku qasban immika inuu siiyo oggolaansho uu saxiixi doono ra’iisul wasaaraha dalkaasi Alexis Tsipras.
Waxay tani Macedonia ka qaadaysaa xayiraada uu Giriiga saaray ee la xiriirta dadaalada uu dalkan ku doonayo inuu ugu biiro urrurada NATO iyo Midowga Yurub.
“ Bog cusub ayaa noo furmay,” ayay qoraal ku tiri dowladda Macedonia.
Waxaa xusid mudan in 81 xubin oo asal ahaan ka yimid 120 xubin oo baarlamaanka dalkaasi kamid ah inay u codeysay wax ka badalka magaca dalkaasi.
Urrurada NATO iyo Midowga Yurub ayaa siyaabo kala gaar ah u soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanka Macedonia oo abuuraya heshiisyo cusub.