Home / Deegaan / Maxay Namibia u iibinaysaa 1000 xayawaan oo kamid ah duurjoogteeda?

Maxay Namibia u iibinaysaa 1000 xayawaan oo kamid ah duurjoogteeda?

Himilo FM – Namibia oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah sabab la xiriirta abaarta ka jirta ayaa go’aansatay inay iibiso kun xayawaan oo kamida ah duurjoogta dalka si loo yareeyo dhibaatada gaari karta.

Tallaabadan waxaa looga dan leeyahay in lagu soo uruuriyo hal Milyan oo doolar oo lagu badbaadinayo xayawaanada kale ee dalka sida laga soo xigtay wasaaradda deegaanka dalkaasi.

Namibia ayaa ka cabanaysa abaartii ugu xummeyd sannadihii ugu danbeeyay iyadoo si xun u gaartay deegaano badan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda deegaanka Namibia Romeo Moyonda ayaa sheegay in dowladda iibinayso xayawanada qaar si looga helo lacag lagu badbaadiyo inkale oo badan.

“Wasaaradda waxay dooneysaa inay iibiso nuucyo kala duwan oo ah duurjoogta,” ayuu yiri Mr Romeo.

Waxa uu intaa raaciyay in daaqsinka uu liito islamarkaana loo baahan yahay in la dhimo tirada xayawaanada u nugul abaarta.

Wasaaradda beeraha Namibia ayaa bishii April waxay soo saartay warbixin muujisay in ku dhawaad 63700 xawayaan inay naf baxeen sabab ku saabsan abaartii xilligaasi.

Xayawaanada Namibia iibinayso waxaa kamid ah 600 lo’ kisi iyo 28 maroodi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan