Home / Habka-Nolosha / Maxay sameysay gabar uu aabaha dhalay u diiday 11 nin?

Maxay sameysay gabar uu aabaha dhalay u diiday 11 nin?

Himilo- Gabar ka soo jeeda Sacuudiga ayaa ku dhiiratay inay dacwad ka gudbiso aabaha dhalay kaddib markii uu diiday codsiga 11 nin oo doonayay inay guursadaan.

Dacwadda ayaa imaaneysa iyada oo aabaha uu ku guuldareystay in uu sheego sababaha rasmiga ah ee uu ku diiday ragga soo doontay gabadhiisa.

Wargeyska Cukaad ayaa qoray in haweenayda oo hadda gaartay da’da 37 sanno jir inay go’aansatay diyaarinta dacwad ka dhan ah aabaheed  iyada oo garowsatay xaqqa ay u leedahay guur.

Waxay tilmaamtay in aabaha dhalay uu wakhti ku bixiyo raadinta ceeb kasta oo uu leeyahay qofka soo doonta.

Sababaha codsiyada rag badan loogu gacan-sayray waxaa kamid ah in mid uu mushaarkiisa yaryahay, midna uusan jaamacad ka bixin halka mid kalana la tilmaamay in uu guur soo maray.

“Waxaan doonayaa guur iyo nolol, waxaan go’aansaday in aan qabsado qareen,” ayay tiri gabadha aan la magac dhabin.

Gabadha ayaa dalbatay in aan loo qaadan tallaabada mid caasinimo ah oo ay kaga hor imaaneyso waalidkeeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan