Maxay tahay digniinta barakacinta ah ee ay Gaza ka soo saartay Qaramada Midoobay?

Himilo- Qaramada Midoobay ayaa ka digtay barakicinta ba’an ee sii socota ee Marinka Gaza, iyada oo sheegtay in in ka badan 700,000 qof ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahooda tan iyo markii ay dhammaatay xabbad-joojintii bishii Maarso, sababo la xiriira howlgalka milatari ee Israa’iil.

Afhayeenka Qaramada Midoobay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Israa’iil ay amar kale oo barakicin ah ku soo rogtay qaybo ka mid ah Khan Younis laba maalmood oo isku xigta, taasoo saameyn karta in ka badan 50,000 oo qof.

Wuxuu intaas ku daray in dad Falastiiniyiin ah la dilay ayaga oo isku dayaya in ay helaan cunto, isbitaalladuna ay buuxaan, dhaawacyadana badankoodu ay yihiin dad la dhaawacay ayaga oo raadinayay gargaar.

Wuxuu ugu baaqay Israa’iil inay furto dhammaan marinada xuduudka si gargaar loo gaarsiiyo dadka Gaza, wuxuuna xusay in tan iyo afar bilood aan wax shidaal ah loo oggolaanin in uu galo Gaza.

Sidoo kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah siddeed hawlgal oo samafal oo la isku dayay in la fuliyo Axaddii la hor istaagay, taasoo caqabad ku noqotay hawlgallada muhiimka ah ee bini’aadantinimo.

error: Copy lama Ogola Fadlan