Home / Arrimaha Bulshada / Maxay tahay eeda loo heysto Aasaasaha shirkada Telegram?

Maxay tahay eeda loo heysto Aasaasaha shirkada Telegram?

Himilo-Milkiilaha iyo Aasaasaha shirkada Telegram oo kamid ah billion-rada Calaamka Pavel Durov ayaa lagu xiray Faransiiska.

Ninka oo da’diisu ay tahay 39  ayaa la sheegay in la xiray kaddib markii diyaarad khaas ah oo uu leeyahay ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Le Bourget, oo ku yaalla duleedka magaalada Paris.

Warbaahinta ayaa warineysa ganacsadahan asalkiisu uu yahay Ruush- balse qaatay dhalashada Faransiis-ka 2021-ka in uu ku dhacay shirqool ay u dhigtay dowlada Faransiis-ka.

Eedaha loo heyso waxaa kamid ah in barta Telegram ay ka dhacaan dambiyo xad-gudub ah oo aysn laheyn tafaftir iyo kala shaandheyn wararka la soo dhigo.

Booliiska Faransiiska, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Telegram toona kama aysan hadlin eedahaas.

Telegram waa mid ka mid ah mareegaha ugu weyn ee la soo dhigo dhacdooyinka aduun-ka. Iyadoo lasaadaalinayo in dadka ku xiran ay gaari doonaan hal bilyan oo qof sanadkan.

Telegram waxaa si gaar ah loogu isticmaalaa dagaalada Rush-ka iyo Ukraine taas oo keentay in lagu soo gudbiyo falal badan oo naxdin leh. waxaana si weyn u isticmaala saraakiisha Moscow iyo Kyiv.

Waxaa loo qiimeeyaa mid ka mid ah baraha bulshada ee waaweyn, waxaana la sheegaa inay leedahay in ka badan 950 milyan oo isticmaale oo firfircoon. Sidoo kale waxaa fariimo isugu diray kooxaha bidigta for oo rabshado ka kiciya dowladah waa weyn

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan