Home / Habka-Nolosha / Maxay tahay khatarta dabar go’neysa dameerada caalamka?

Maxay tahay khatarta dabar go’neysa dameerada caalamka?

Himilo- Kala bar dameerada caalamka ayaa khatar ugu jira dabar go’ 5-ta sanno ee soo socota sida lagu xusay warbixino cusub.

Warbixinada ayaa muujiyay in malaayiin dameero ah la gowraco sannad kasta sabab la xiriirta maqaarkooda oo dalabaadka la xiriira soo kordhayaan.

Ururka difaaca dameerada ee Donkey Sanctuary ayaa xusay in ku dhawaad 4.8 Milyan oo dameer in sannad kasta laga soo dalbado Shiinaha oo u adeegsada maqaarka xayawaankan arrimo caafimaad.

Donkey Sanctuary oo fadhigiisu yahay Ingiriiska ayaa ka digay sii socoshada dalabaadka maqaarka dameerka oo saameyn ku reebi karta tirada dameerka caalamka oo hadda lagu qiyaaso 44 Milyan.

Dalalka ugu badan ee laga soo wariyay hoos u dhaca dameerka waxaa kamid ah Brazil, Botswana iyo Kyrgyzstan iyadoo cabsi xooggan laga muujinayo Kenya iyo Ghana.

Warbixinta ururka ayaa daaha ka qaaday xadgudubyada argagaxa leh ee ka dhanka ah dameerada iyadoo qaarkood laga jaro dhagaha iyo seenta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan