Home / Arrimaha Bulshada / Maxay tahay sababta 65 jirka reer Japaan u doorbido nolosha xabsiga?

Maxay tahay sababta 65 jirka reer Japaan u doorbido nolosha xabsiga?

Himilo FM – Dadka reer Japaan ee da’da ah ayaa lagu soo waramayaa inay doorbidaan ku noolaanshaha xabsiyada iyaga oo ka cararaya duruufaha nololeed ee adag oo ay wajahayaan.

Arrintan ma ahan mid maanta dhalatay hase ahaatee waa mid jirtay qarniyo badan, waxayna u muuqataa inay sii xumaaneyso.

Sida uu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Faransiiska ee Lemond, dadka reer Japaan ee da’doodu dhaaftay 65 jirka ee leh rag iyo dumar ayaa daneeya inay galaan danbiyo si loo dhigo xabsiga islamarkaana halkaasi ugu qaataan nolol ka wanaagsan midda ku hareereysan.

Xog la daabacay bishii December ee sannadkii hore ayaa lagu sheegay in 21% dadka ku jira xabsiyada Japaan inay yihiin dad da’doodu dhaaftay 65 jir. Waana heer ka badan qiyaastii sannadkii 2000 oo ahayd 5.8%

Dadka da’da ah ee ku xeran xabsiyada dalkaaasi waxay ku eedeysan yihiin danbiyo yaryar sida inay xadeen cunto.

Mid kamid ah dadka da’da ah ayaa u sheegay wargeyska Lemond inay nolosha xurriyadda leh ka doorbidayaan tan xabsiga oo ay ku helayaan daryeel dhinac kasta leh.

“Waxaan doonayaa inaan xabsiga ku soo booqdo saaxiibkeyga oo da’diisu tahay 78 jir, ma ahan danbiile laakiin waxa uu galay khalad yar si loo geeyo xabsiga oo uu halkaasi ugu noolaado,” ayuu yiri ninka da’da ah ee la hadlay wargeyska.

Waxa uu intaa raaciyay ninka aan magaciisa la shaacin inuu jeclaan lahaa inuu sidaasi oo kale sameeyo maalin maalmaha kamid ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan